Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay heshiis la gaartay Ralf Rangnick si uu u noqdo tababaraha ku meel gaarka ah ee kooxda inta ka dhiman xilli ciyaareedka 2021-22.

Michael Carrick ayaa la wareegay shaqada Red Devils kulankii Villarreal Talaadadii, isagoo kooxda ku hogaamiyay guul 2-0 ah, ka dib markii Ole Gunnar Solskjaer laga saaray shaqada tababarenimo isbuucaan.

Man United ayaa la sheegayaa in ay doonayso in ay Mauricio Pochettino u magacowdo tababareheeda wakhtiga dheer laakiin waxa ay u muuqataa in ay sugi doonaan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan si ay ugala soo wareegaan kooxda Paris Saint-Germain.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay The Athletic , Rangnick, oo hadda ah madaxa isboortiga iyo horumarinta ee Lokomotiv Moscow , ayaa ogolaaday heshiis lix bilood ah oo uu la galay kooxda 20-ka jeer ee horyaalka Ingiriiska.

Warbixinta ayaa sheegeysa in heshiisku uu 63-jirkan ku qaadan doono door la-talin ah oo labo sano ah kooxda ka dib markii uu qandaraaskiisa ku meel gaar ah dhaco bishii May.

Rangnick, oo aan masuul ka noqon doonin kulanka axada ee Chelsea, isagoo sugaya ogolaanshaha shaqada, ayaa soo maamulay RB Leipzig laba xilli oo kala duwan intii u dhaxaysay 2015 iyo 2019.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: laacib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here