Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa ku dhawaaqay magacyada afarta ciyaaryahan ee ku loolami doona xiddigii toddobaadkan ugu fiicnaa tartanka Champions League.

Xalay iyo habeen hore ayaa la ciyaaray wareega shanaad ee heerka Group-yada CL iyadoo kooxaha qaar xaqiiqsadeen booskooda wareega 16-ka, kuwo kale si rasmi ah u hadheen halka qaarna aysan wali dhinacna u dhicin.

Afarta ciyaaryahan ee xiddigihii badnaa ee wacdaraha dhigay xalay iyo habeen hore laga soo xulay ayaa kala ah Sebastian Haller (Ajax), Pedri Goncalves (Sporting Lisbon), Edin Dzeko (Inter Milan) Emil Forsberg (RB Leipzig).

Aan ku bilawnee Haller ayaa xalay Robert Lewandowski kala wareegay hoggaanka gool dhalinta Champions League isaga oo sagaal gool gaadhay kaddib markii uu bedel ku galay kulan ay Ajax la ciyaaraysay Besiktas isaga oo kulanka oo 1-0 kooxdiisa lagu lahaa laba gool ugu keenay guul soo laabasho ah.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Edin Dzeko ayaa isaguna saddex dhibcood u hibeeyay Inter Milan oo uu laba gool oo ay kaga adkaadeen Shakhtar Donestk usoo saxeexay.

Dhinaciisa Pedro Goncalves ayaa ka caawiyay Sporting inay guul ka gaadho isla markaana gabi ahaanba Champions League ka reebto Borussia Dortmund oo marti u ahayd isaga oo laba gool dhaliyay halka gool saddexaad oo rigoore ahaa laga badbaadiyay.

Ugu dambayn, Forsberg ayaa guul weyn oo 5-0 ah kasoo caawiyay kooxdiisa RB Leipzig inay kasoo gaadho dhigeeda Club Brugge isaga oo laba gool lasoo tiigsaday shabaqa Brugge.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: laacib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here