Daafaca kooxda Barcelona Ronald Araujo ayaa lagu soo waramayaa inuu u soo baxay bartilmaameedka kooxda Chelsea .

22 jirkaan ayaa Barcelona kaga soo biiray kooxda reer Uruguay ee Boston River 2018, wuxuuna u saftay 52 kulan kooxda koowaad ee kooxda Catalan tartamada oo dhan.

Araujo ayaa xili ciyaareed kan muhiim u ah kooxdiisa La Liga, wuxuuna u saftay 13 kulan, kooxda Xavi ayaana la rumeysan yahay inay dooneyso inay ka saxiixdo qandaraas cusub oo waqti dheer ah.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Si kastaba ha ahaatee, wadahadalada heshiis cusub looma maleynayo in la soo hormariyay, xiddiga heerka caalami ee dalka Uruguay ee haatan qandaraaskiisa Camp Nou ayaa ku eg June 2023.

Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo , kooxo dhowr ah ayaa si dhow isha ugu haya xaalada, iyadoo wakiilka daafaca uu helay dalabyo ‘aad u xiiso badan’ oo ku aadan kalyantigiisa.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Chelsea ay muujineyso xiisaha ay u qabto ciyaaryahanka reer South America, iyadoo Blues ay aaminsan tahay inuu leeyahay awood uu ku horumariyo kubada cagta England.

Kooxda Thomas Tuchel ayaa suuqa ugu jirta ugu yaraan hal daafac dhexe oo cusub xagaaga dambe sababta oo ah hubanti la’aanta ku hareeraysan mustaqbalka Antonio Rudiger , Cesar Azpilicueta iyo Andreas Christensen ..

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: laacib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here