Advertisement

Kooxda Inter Milan oo booqasho ugu tagtay kooxda Venezia ayaa halkaasi ku soo gaartay guul muhiim ah iyadoo kasoo kabsatay guuldarooyinka kasoo gaaray Napoli iyo Milan.

Labo Gool ay kala dhaliyeen Hakan Çalhanoğlu iyo Lautaro Martínez ayaa kooxda Inter Milan ka Caawiyay guushooda caawa.

Daqiiqadii 34aad Hakan Çalhanoğlu ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Inter Milan isagoo banaanka Xerada Ganaaxa kasoo toogtay kubad oo dhulka ugu dhacday goolhayaha sidaasna ku gashay shabaqa.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

inter Milan ayaana gool labaad oo rigoore ahaa hogaanka ku dheereesatay dhanaadka ciyaarta daqiiqadii 6aad lix daqiiqo oo lagu daray waxana u soo istaagay Lautaro Martínez oo gool u badalay.

Natiijo ahaan Inter Milan milan ayaa iska leh 31 dhibcood waxana cadaadisa ku kordhisay kooxaha Napoli iyo Ac Milan oo leh min 32 dhibcood inkastoo kulamo u harsanyihiin.

Dhanka kale kooxda Juventus ayaa lagu dubtay garoonkeeda waxana looga badiyay 0-1 Goolka kaliya ay ku badisay kooxda Atalanta waxaa u dhaliyay xidiga Duván Zapata.

Juventus ayaa hada fadhisa kaalinta 8aad ee horyaalka Macalinka kooxdana waxa uu warbaahinta u sheegay in kooxda ay iska hilmaamto qaadista horyaalka ee sanadkan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: laacib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here