Advertisement

Ka dib markii ay Porto ku soo dubatay 2-0 Champions League, Liverpool waxay ku soo laaban doontaa Anfield kulanka sabtida ee Premier League iiyadoo la ciyaareysa Southampton .

Reds ayaa kulankeedii ugu dambeeyay ee horyaalka heerka kowaad waxa ay Arsenal u dhigtay cashar kubbadda cagta ah oo ay ku badisay 4-0, halka Saints ay 2-1 ku xasuuqday Norwich City.

Jurgen Klopp ayaa isbeddello ku sameeyey safkii uu Arbacadii kula ciyaaray FC Porto, waxaana safka hore kusoo laabtay Alexander-Arnold, Van Dijk,Robertson, Henderson, Fabinho iyo Diogo Jota oo dhamaantood la nasiyey ciyaartaas.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Kaliya Mohamed Salah, Sadio Mane, Alisson iyo Ibrahima Konate ayaa kasoo kasoo noqday safkii ay Reds kula ciyaartay Porto oo ay guul weyn kasoo gaadheen.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Liverpool XI: Alisson, Alexander-Arnold, Van Dijk, Konate, Robertson, Henderson, Thiago, Fabinho, Jota, Mane, Salah

Kaydka: Kelleher, Milner, Oxlade-Chamberlain, Minamino, Tsimikas, Origi, Matip, Williams, Morton

Southampton XI: McCarthy, Livramento, Lyanco, Bednarek, Salisu, Perraud, Romeu, Ward-Prowse, Broja, Adams, Armstrong

Kaydka: Forster, Walker-Peters, Long, Redmond, Smallbone, Tella, Diallo, Walcott, Valery

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: laacib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here