Advertisement

Manchester City ayaan wax niyad ah u haynin in Ferran Torres uu baxo bisha Janaayo, sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeesay.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaa si xoogan ku bilowday ololahan ka hor inta uusan dhaawac ka soo gaarin finalka League Nations.

Torres ayaa qarka u saaran inuu garoomada ka maqnaado ilaa sanadka cusub oo uu ka soo kabsanaayo, laakiin Barcelona ayaa loo maleynayaa inay dooneyso inay keento Camp Nou inta lagu jiro jiilaalka.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Si kastaba ha ahaatee, Marca ayaa ku warameysa in madaxda Blaugrana Mateu Alemany iyo Ferran Reverter dadaaladii ugu dambeeyay ee ay ku doonayeen in ay kaga wadahadlaan heshiiska amaahda ah ee Janaayo ay ku guuldareysteen inay midho dhaliyaan .

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in City aysan ka soo horjeedin iibka xagaaga 2022, laakiin Pep Guardiola ma doonayo 21 jirkaan inuu amaah ku baxo bartamaha xilli ciyaareedka.

Torres waxa uu dhaliyay laba gool,waxana uu dhigay laba kale afar kulan oo uu saftay Premier League ka hor inta aanu dhaawacmin,waxana heshiiskiisa Etihad dhacayaa 2025.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: laacib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here