Advertisement

Manchester United ayaa kusoo biirtay tartanka loogu jiro Xidiga Red Bull Salzburg ee Karim Adeyemi .

19 jirkan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxdiisa Austria intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2021-22 isaga oo dhaliyay 15 gool waxana uu ka qayb qaatay laba caawin 25 kulan oo u u saftay tartamada oo dhan.

Kooxo dhowr ah, oo ay ku jiraan Liverpool , Bayern Munich , Barcelona , Real Madrid iyo Arsenal , ayaa la rumeysan yahay inay xiiseynayaan saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka sanadka soo socda.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay The Mirror , Man United ayaa sidoo kale hadda ugaarsi ugu jirta ka dib imaatinka Ralf Rangnick si ku meel gaar ah inta ka harsan xilli ciyaareedka 2021-22, iyadoo 63 jirkaan uu isha ku hayo inuu la soo wareego weeraryahan tamar leh sanadka soo socda.

Warbixinta ayaa sheegeysa in dalab ku kacaya 34 milyan ginni uu ku filnaan karo saxiixa da’yarka, kaasoo dhaliyay 25 gool islamarkaana loo diiwaan geliyay 17 caawin 75 kulan oo uu u saftay kooxdiisa haatan tartamada oo dhan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: laacib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here