Advertisement

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Napoli ee Hirving Lozano ayaa lagu soo waramayaa in uu ku soo baxay bartilmaameed macquul ah oo ay ku doonayso Real Madrid .

Inkasta oo uu si gaabis ah ku bilowday noloshii Seri A, xiddiga heerka caalami ee dalka Mexico ayaa haatan ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan Napoli isaga oo wadar ahaan xilli ciyaareedkan ku soo bilowday 11 kulan iyo 8 kulan oo badal ah.

26 jirkaan ayaa leh kaliya seddex gool iyo seddex caawin, waxay u muuqataa in qaab ciyaareedkiisa uu wali soo jiitay kooxaha kale ee Xiiseenaya.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Sida laga soo xigtay Fichajes , Real Madrid ayaa ka fiirsaneysa inay la soo xiriirto xidigan inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Los Blancos ayaa lagu xamanayaa Lozano inay u aragto bedelka Gareth Bale , kaasoo beeca xorta ah kaga tagi doona Bernabeu bisha June.

Lozano qandaraaskiisu ma dhacayo ilaa dhamaadka 2023-24, taasoo Napoli ku caawineysa boos adag oo ku saabsan mustaqbalkiisa.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: laacib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here