Advertisement

Heshiis is dhaafsi ah oo ay ku lug leeyihiin weeraryahanka Chelsea Timo Werner iyo weeraryahanka Bayern Munich Robert Lewandowski ayaa la sheegay in laga wada hadlay.

Inkastoo uu yahay nin muhiim ah oo ka tirsan Allianz Arena, Lewandowski ayaa qandaraaskiisa 19 bilood ka hartay, waxaana la og yahay inuu u furan yahay tartan cusub.

Dhanka kale, Werner waligiis si buuxda uguma soo bandhigin awoodiisa Stamford Bridge taasi oo keentay in kooxda tixgaliso bixitaanka xidigan.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Saxafiga Ian McGarry ayaa u sheegay wargayska Transfer Window Podcast in heshiis is dhaafsi oo ay ku lug leeyihiin labada ciyaaryahan laga hadlay.

In kasta oo ay ku jiraan heerar kala duwan oo xirfaddooda ah, waxaa jira dood ah Qiimaha Lewandowski iyo Werner ee labada dhinac iyo sida leeskugu fahmi karo.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: laacib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here