Advertisement

Liverpool ayaa loo sheegay War wanaagsan oo ka imaanaya dhanka dhaawacyada ee kooxda iyadoo Joe Gomez iyo Naby Keita ay ku soo laabteen tababarka ka hor kulanka sabtida ee Wolverhampton Wanderers.

Gomez ayaa Reds ku seegay lixdii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan sababo la xiriira dhaawac kubka, halka Keita uu seegay dhamaan Nofeembar dhibaato bowdada ah oo uu ka soo gaaray kulankii Brighton & Hove Albion.

Klopp ayaa kalsooni ku qabay in labada nin ay taam u noqon doonaan inay ku soo laabtaan tababarka usbuuca soo socda, laakiin labada ciyaaryahan ayaa u muuqda inay ka soo hormareen waqtigii loogu talagalay soo kabashadooda ka dib markii lagu sawiray tabarka kooxda ee maanta

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Si kastaba ha ahaatee, waxa ay noqon doontaa wax lala yaabo in la arko Gomez ama Keita oo taam u ah inay ku soo laabtaan safarka Molineux, halkaas oo Harvey Elliott , Roberto Firmino iyo Curtis Jones ay hubaal ka maqnaan doonaan.

Liverpool ayaa ku jirta kaalinta saddexaad ee miiska kala sarreynta Premier League ka dib markii ay Arbacadii xasuuqday Everton, taasoo ka dhigtay inay jabiso rikoor 94 sano jir ah oo ku aadan gooldhalinta kubada cagta Ingariiska.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: laacib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here