Advertisement

Kooxda Wolverhampton Wanderers ayaa Liverpool ku soo dhawaynaysa Molineux kulanka ka tirsan Horyaalka  Premier League.

Kooxda Bruno Lage ayaa awoodi wayday inay dhaafto Burnley bartamihii isbuuca, halka Reds ay si raaxo leh ku garaacday Everton kulankii Merseyside derby.

Wararka Labada Koox

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Wolves waxaa xoojin doona Ruben Neves oo ganaax kaga maqnaa kooxda, halka la arkidoono hadii Daniel Podence uu ka soo laabto coronavirus waqtiga ciyaarta.

Qolka daawaynta waaa ku jira Willy Boly , Jonny , Hugo Bueno , Yerson Mosquera iyo Pedro Neto dhamaantood , Sidoo kale Fernando Marcal ayaa laga helay COVID-19.

Leander Dendoncker ayaa laga yaabaa inuu ka maqnaado kulankan madama Neves uu soo laabanaya, Lage ayaana dooran kara inuu sii hayo Francisco Trincao si uu u kordhiyo awooda Traore.

Liverpool, Naby Keita iyo Joe Gomez ayaa labadoodaba lagu wadaa inay ku soo laabtaan tababarka kooxa toddobaadka soo socda loomana badinayo in kulankan qeyb ka noqdaaan

Roberto Firmino , Harvey Elliott iyo Curtis Jones ayaa garoomada ka maqnaan doona muddo dheer, Klopp ayaana laga yaabaa inuu iska caabiyo rabitaankiisa inuu isku shaandheyn ku sameeyo iyadoo kooxdiisu ay wajihi doonto kulan aan muhiim ahayn oo Champions League ah oo ay la ciyaarayaan AC Milan bartamaha isbuuca.

Xidiga Dhaawaca u nugul ee Thiago Alcantara ayaa ciyaaray kubbado badan dhawaanahan, si kastaba ha ahaatee, midkood James Milner ama Alex Oxlade-Chamberlain ayaa la ciyaari kara qeybta dhexe.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Wolverhampton Wanderers: Sa; Kilman, Coady, Saiss; Semedo, Neves, Moutinho, Ait-Nuri; Traore, Jimenez, Hwang

Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Matip, Van Dijk, Robertson; Henderson, Fabinho, Thiago; Saalax, Jota, Mane.

Wolves Vs Liverpool

Tartanka Premier league

Saacada Saacada (18:00 pm Somalia) (16:00 pm Yurub)

Garoonka Molineux Stadium

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: laacib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here