Advertisement

Real Madrid ayaa xaqiijisatay kaalinta kowaad ee Group D ee tartanka Champions League kadib markii ay 2-0 ku garaacday kooxda Inter.

Toni Kroos ayaa hogaanka u dhiibay kooxda martida loo ahaa ee Santiago Bernabeu qeybtii hore ee ciyaarta markii uu kubad cajiib ah ka dhaliyay meel 25 yard u jirta goolka daqiiqadii 17aad.

Marco Asensio oo bedel ku soo galay ayaa gool qurux badan dhaliyay daqiiqadii 79aad guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-0.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Inter ayaa lagu qasbay inay ku ciyaarto 26kii daqiiqo ee ugu danbeysay 10 nin ka dib markii Nicolo Barella laga saaray ciyaarta.

Madrid ayaa sii wadata rikoorkeeda cajiibka ah ee ay ka heysato Inter tartanka Champions League, iyadoo haatan badisay afartii kulan ee ugu dambeysay.

Laakiin Nerazzurri, taasi waxay u ahayd guuldaradii 10-aad ee 12 kulan oo ay la ciyaartay kooxaha Isbaanishka ee Yurub

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: laacib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here