Advertisement

Wariyaha reer Talyaani ee Fabrizio Romano ayaa sheegay in kooxo badan ay horay ula soo xiriireen Manchester United si ay ugala hadlaan heshiis amaah ah bisha Janaayo ee Amad Diallo .

19-sano jirkaan ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu amaah uga tagayo Old Trafford xagaagii hore, laakiin dhaawac ka soo gaaray bowdada ayaa u diiday weeraryahanka inuu ku baxo muddo gaaban.

Diallo ayaa kaliya hal kulan u saftay Red Devils xilli ciyaareedkan, isagoo ciyaaray 68 daqiiqo kulankii ay barbaraha 1-1 la galeen Young Boys ee Champions League usbuucii hore.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Sida laga soo xigtay Romano, ‘kooxo badan’ ayaa la xiriiray Man United si ay u diwaan galiyaan xiisahooda, iyadoo kooxda reer Holland ee Feyenoord ay ka mid tahay kooxaha u tartamaya saxiixiisa.

Diallo ayaa hal gool dhaliyay sideed kulan oo uu u saftay Red Devils qeybtii labaad ee ololaha 202021, isagoo si rasmi ah uga yimid Atalanta BC bishii Janaayo.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: laacib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here