Advertisement

Pep Guardiola ayaan saxaafada la hadli doonin sidii loo qorsheeyay jimcaha madama shaki wali looga qabo Xanuunka Corona.

Tababaraha Manchester City ayaa lagu waday inuu la hadlo warfidiyeenka 1:30pm (waqtiga UK) si uu uga hadlo kulanka Newcastle.

Si kastaba ha ahaatee, hubanti la’aanta ku xeeran natiijadiisa tijaabada awgeed, City waxaa lagu qasbay inay joojiso Shirkiisa.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Ma cadda in tani ay saameyn ku yeelatay xubno kale oo ka tirsan shaqaalaha kooxda ama kooxda ciyaarta, inkastoo ay u badan tahay inay haatan xitaa dareen weyn ku yeelan doonaan hogaamiyaasha horyaalka iyagoo sugaya imtixaan dhameystiran oo ka yimaada Guardiola.

Shan kulan oo markii hore loo qorsheeyay usbuucan ayaa durba dib loo dhigay, halka seddex kulan oo laga ciyaarayay bartamihii isbuuca ay ahayd in la joojiyo.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: laacib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here