Advertisement

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ayna wax qorshe ah u haynin in ay iibiso Frenkie de Jong waxayna taasi badalkeeda dooneysa inay dulqaad u muujiso xidigan.

Inkastoo uu saftay 112 kulan tartamada oo dhan tan iyo markii uu u soo dhaqaaqay Camp Nou 2019, ciyaaryahankii hore ee Ajax ayaa ku guuldareystay inuu gaaro 67 milyan ginni ee ahaa qiimaha xidigan.

Xili Barcelona ay dooneyso inay sare u qaaddo xaaladeeda dhaqaale, ayaa waxaa la soo jeediyay in kooxo dhowr ah oo ay ku jiraan Manchester United iyo Bayern Munich ay u muuqdaan inay ka faa’ideysan karaan.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Si kastaba ha ahaatee, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Spain , kooxda reer Catalan ayaa sii hayn doonta adeega xiddiga heerka caalami ee dalka Netherlands ugu yaraan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka.

Tababaraha cusub ee Xavi ayaa lagu xamanayaa inuu ka caawinayo 24 jirkaan inuu dib u helo qaab ciyaareedkiisii ​​​​ugu fiicnaa iyadoo Barcelona ay isku dayeyso inay u soo baxdo Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

De Jong ayaa wali afar sano iyo bar uga harsan tahay qandaraaskiisa kooxda La Liga.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: laacib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here