Advertisement

Pep Guardiola ayaa uga digay ciyaartoydiisa Manchester City hab-dhaqankooda xilliga Christmas-ka, ka isagoo digniin gaar ah u diray Phil Foden iyo Jack Grealish .

Sida laga soo xigtay Daily Telegraph , Foden iyo Grealish ayaa labadaba lagu sawiray goob lagu caweeyo wax yar ka dib markii ay wada ciyaareen 90-kii daqiiqo ee ciyaarta kulankii ay City 7-0 kaga badisay Leeds United.

Labada ciyaaryahan ayaa markii dambe laga saaray safka hore ee Citizens ay 4-0 kaga badiyeen Newcastle United axadii, iyadoo Guardiola uu sheegay in aan la nasinin, islamarkaana ka reebistooda XI ee ugu horeysay ay sabab u tahay ‘arrimaha habdhaqanka’.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Macalinka ayaa la rumeysan yahay inuusan ku faraxsaneyn xaalada labada ciyaaryahan ee England markii ay ku soo laabteen garoonka tababarka waxaana uu tan iyo markaas uga digay dhamaan ciyaartoydiisa.

“Xilliga Kirismaska, waxaan aad u fiirsada hab-dhaqanka gudaha iyo dibadda garoonka.

Hogaamiyeyaasha Premier League ee Man City ayaa haatan isku diyaarinaya kulanka Boxing Day ee ay gurigooda ku wajahayaan Leicester City, ka hor inta aysan dhammaan 2021ka oo ay u safri doonaan Brentford 29ka Diseembar.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: laacib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here