Advertisement

Manchester City ayaa noqotay inay tahay kooxda Barcelona kula xafiiltamaan saxiixa Erling Haaland sida ay warinayso Sport .

Majaladda Isbaanishka ayaa sheeganeysa in kooxda heysata horyaalka Premier League ay aadi doonto si ay ula soo saxiixato weeraryahanka Borussia Dortmund xagaaga soo aadan, marka uu dhaqan galo qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa 64 milyan ginni.

Haaland ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 19 gool 16 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Xidigan ayaa xiiso ka helaya kooxo badan oo Horyaalada Caalamka waxana ugu cad cad kooxda Real Madrid inkastoo kooxaha kale ay heestaan fursado ay kula wareegi karaan.

Haaland ayaa dhankiisa xiiseenaya inuu Sanadka cusub uu isaga tago kooxda reer Germany ee Borussia Dortmund

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: laacib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here