Advertisement

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Daafaca dambeedka midig ee Arsenal Ainsley Maitland-Niles ayaa ku dhow inuu amaah ugu wareego Roma, sidaas waxaa qortay Sky Sports.

Inter Miami ayaa u soo bandhigtay Luis Suarez heshiis labo sano ah hadii uu go’aansado inuu ka tago Atletico Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan, iyadoo Corinthians ay sidoo kale isha ku heyso goal.

Lille ayaan tixgelin doonin dalab kasta oo ka hooseeya €30m (£25m/$34m) oo ay ku fasaxayaan daafaca Sven Botman, sidaas waxaa qortay Tuttomercatoweb.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Real Madrid ayaa ku dhibtooneysa inay iska iibiso Isco iyadoo aysan jirin koox haatan xiiseyneysa saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Spain, sida ay warineyso Mundo Deportivo.

Manchester United ayaa hogaaminaya tartanka loogu jiro saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bayer Leverkusen Florian sida laga soo xigtay The Sun .

Juventus ayaa qorshaynaysa in ay isku daydo saxiixa weeraryahanka Sassuolo Gianluca Scamacca suuqa January – sida laga soo xigtay Gazzetta dello Sport .

Alexandre Lacazette ayaa ka tagi doona Arsenal xagaaga soo socda – sida laga soo xigtay L’Equipe .

Juventus ayaa bartilmaameed ka dhiganeysa xiddiga Monaco Aurelien Tchouameni, sida laga soo xigtay Calciomercato .

West Ham iyo Newcastle ayaa ku loolamaya saxiixa daafaca Burnley James Tarkowski – sida ay warineyso The Sun.

Real Madrid ayaa soo dhawayn doonta dalab kasta oo ay u soo bandhigto Gareth Bale iyo Isco suuqa January – sida laga soo xigtay Marca

 

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: laacib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here