Advertisement

Lix maalmood uun ka dib markii ay wada Ciyaareen EFL Cup-ka, Leicester City iyo Liverpool waxay Mar kale isku wajahayaan King Power Kulan ka tirsan Premier League.

Reds ayaa ku badisay rigoorayaal kulankii ka dhacay Anfield 22-kii December, iyadoo tababarihii hore ee Brendan Rodgers uu goob joog ka ahaa kooxdiisu oo 3-1 ku hogaamineysa Merseyside.

Wararka Labada Koox

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Leicester ayaan wax walaac ah ka qabin taam ahaanshaheeda kulankii Etihad, laakiin Rodgers ayaa wali haysta maqnaansho badan oo ay ku jiraan Wesley Fofana , James Justin , Jonny Evans iyo Ricardo Pereira  oo Laga saaray Kulankii EFL Cup-ka ee Liverpool .

Caglar Soyuncu iyo Patson Daka ayaa sidoo kale la filayaa inay ku maqnaadaan dhibaatooyin bowdada, halka Harvey Barnes iyo Ryan Bertrand ay sidoo kale ku jiraan qolka daaweynta.

Rodgers ayaa weli heysta dhowr fursadood, Wilfred Ndidi , Boubakary Soumare iyo Jamie Vardy ayaa isku diyaarinaya inay ku soo laabtaan XI-ga ugu horreeya iyadoo lagu jiro jadwalka aan joogtada ahayn.

Dhanka Liverpool, Harvey Elliott , Adrian , Nat Phillips iyo Divock Origi ayaa sii wada ka soo kabashadooda dhibaatooyin dhaawacyo ah, halka Andy Robertson uu weli ganaax ku maqan yahay kulankaan oo lagu daray kulanka Chelsea ee sanadka cusub.

Dhanka kale, Virgil van Dijk , Curtis Jones iyo Fabinho ayaa ku soo laabtay tababarka ka dib markii ay ka soo kabteen COVID-19, laakiin Thiago Alcantara ayaa weli ku jira go’doon.

Reds ayaa sidoo kale la filayaa inay sii haysato seddexda ciyaaryahan ee AFCON Naby Keita , Mohamed Salah iyo Sadio Mane muddo yar, iyadoo ciyaaryahankii hore laga yaabo inuu ku soo bilowdo khadka dhexe haddii Thiago uusan diyaar u aheyn inuu soo laabto.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Leicester City: Schmeichel; Daley-Campbell, Amartey, Vestergaard, Castagne; Ndidi, Tielemans, Soumare; Perez, Vardy, Maswanhise

Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Matip, Van Dijk, Tsimikas; Henderson, Fabinho, Keita; Saalax, Jota, Mane

Liecester City Vs Liverpool

Tartanka Premier league

Saacada Saacada (23:00 pm Somalia) (21:00 pm Yurub)

Garoonka King Power Stadium

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: laacib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here