Advertisement

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa ku fadhiisan doonta kaalinta labaad ee horyaalka Premier League oo ay kala bixi doonto Liverpool oo guul-darro xanuun badan xalay kala soo kulantay Leicester City, waxaanay saddex dhibcood u jirsan doontaa Manchester City oo hoggaanka haysa, laakiin Khamiista ciyaari doonta.

Blues ayay tahay inay ka faa’iidaysato khasaaraha soo gaadhay Liverpool taas oo ay dhaafi doonto saddex dhibcood, hase yeeshee waxay Reds haysataa hal kulan oo baaqi u ah oo ay kusoo qaban doonto.

Thomas Tuchel ayaa afar beddel ku sameeyey safkii uu kula ciyaaray Aston Villa. Romelu Lukaku oo beddel kusoo galay ciyaartaas ayaa kusoo bilowday, halka uu kaydka galay Marcos Alonso oo uu booskiisa  buuxinayo Hudson-Odoi.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Chelsea XI: Mendy, James, Rudiger, Christensen, Azpilicueta, Jorginho, Kovacic, Mount, Pulisic, Hudson-Odoi, Lukaku

Kaydka: Kepa, Alonso, Kante, Chalobah, Saul, Barkley, Ziyech, Havertz, Sarr

Brighton & Hove Albion: Sanchez, Lamptey, Veltman, Burn, Cucurella, Bissouma, Lallana, Moder, Mac Allister, March, Maupay.

Kaydka: Steele, Gross, Alzate, Welbeck, Mwepu, Richards, Duffy, Webster, Ferguson

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: laacib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here