Arsenal ayaa weli ugaarsi ugu jirta weeraryahanka Fiorentina Dusan Vlahovic.

Advertisement

Gunners ayaa ku raad joogta Vlahovic iyadoo Tottenham, Manchester United iyo Juventus lala xiriirinayo weeraryahanka Serbia, kaasoo dhaliyay 18 gool 22 kulan uu saftay xilli ciyaareedkan.

Horaantii isbuucaan, warbixino ayaa sheegayay in Gunners ay miiska u saartay ciyaaryahan iyo lacag caddaan ah Serbian-ka, kaasoo ka kooban 46 milyan ginni oo lagu daray Lucas Torreira, kaasoo amaah ku jooga Fiorentina xilli ciyaareedkan.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

inkastoo ay xiiseynayaan kooxaha kale ee caanka ah, Ornstein ayaa sheegay in Arsenal la rumeysan yahay inay ku jirto booska ugu xoogan si ay u xaqiijiso saxiixa Vlahovic.

Arsenal ayaa la aaminsan yahay in ay ugu fiican tahay 21 jirkan kooxaha doonaya marka loo eego mushaharka iyo lacagta.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: laacib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here