Advertisement

Weeraryahanka Villarreal Arnaut Danjuma ayaa lagu soo waramayaa in qandaraaskiisa lagu burburin karo €75m (£63m).

24-sano jirkaan ayaa kooxda Jaallaha ah kaga soo biiray Bournemouth bishii August ee la soo dhaafay, waxaana uu xilli ciyaareedkan qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Unai Emery , isagoo dhaliyay sagaal gool, islamarkaana 18 kulan uu u saftay seddex goolna caawin.

Liverpool iyo Manchester United ayaa labadaba la rumeysan yahay inay xiiseynayaan weeraryahanka, kaasoo sidoo kale labo gool u dhaliyay shan kulan oo uu u saftay Netherlands.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Sida laga soo xigtay The Athletic , Villarreal ma rabto inay iska iibiso xiddiga reer Holland bishaan, sidaas darteed koox kasta oo xiiseyneysa waxay u baahan tahay inay bixiso € 75m (£ 63m) si ay uga fasaxdo qandaraaskiisa.

Weeraryahanka, oo qandaraas kula jira Jaallaha ilaa June 2026, ayaa dhaliyay 17 jeer, waxaana loo diiwangeliyay sideed caawin 52 kulan oo uu u saftay Bournemouth intii uu ku jiray kubada cagta Ingariiska.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: laacib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here