Advertisement

Sofiane Boufal ayaa gool soo daahay u dhaliyay Morocco,waxana ay 1-0 kaga badiyeen Ghana, kulan ka dhacay garoonka Ahmadou Ahidjo.

Xiddigaha Madow iyo Libaaxyada Atlas waxay u muuqdeen kuwo min hal dhibic kala qaadanaya ilaa Boufal uu jabiyo ismari waaga u dhaxeeyay labada dhinac daqiiqadii 83aad.

Kabtanka xulka qaranka Morocco Romain Saiss ayaa lumiyay fursad muhiim ah qeybta hore ee ciyaarta iyadoo labada xul ay ku kala nasteen 0-0.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta labada kooxood ayaa sameeyay dadal dheer ah, goolhayaha Morocco ee Yassine Bounou ayaa si cajiib ah u badbaadiyay kubbad uga timid Joseph Paintsil 72 daqiiqo ciyaarta oo socota

Boufal ayaa goolka guusha dhaliyay Daqiiqadii 83aad markii uu kubad lugta midig ah kasoo toogtay xerada ganaaxa waxana kulanka uu ku soo dhamaaday 1-0.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: laacib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here