20ka Xiddig Ee Ku Guuleystay Abaalmarinta Ugu Badan Ee Xiddiga Garoonka (Man of the Match) Ee Xilli Ciyaareedkan Oo La Shaaciyay

Advertisements

Kubada cagta waa ciyaar kooxeed laakiin ciyaaryahan walba ayaa ku riyaaqa marka lagu aqoonsado howsha uu kooxda u qabtay.

Inta badan xiddigaha waa weyn ugu yaraan hal jeer ayay ku guuleystaan abaalmarinta Xiddiga Garoonka waayahooda ciyaareed.

Qaarka kale waa kuw aad u fiican oo waxay abaalmarinta Xiddiga Garoonka (Man of the Match) ku guuleystaan dhowr jeer xilli ciyaareed kasta.

Waxaa xiiso nala yeelatay inaan idiin soo gudbino ciyaartoyda tirada ugu badan ee abaalmarinta Xiddiga Garoonka ku guuleysatay xilli ciyaareedkan ee shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub.

Shabada Laacib waxay idiin soo gudbineysaa 20ka xiddig ee ka ciyaara horyaalka Premier League, Serie A, La Liga, Bundesliga iyo Ligue 1 ee ku guuleystay abaalmarinta ugu badan ee Xiddiga Garoonka ee xilli ciyaareedkan.

Xiddigaha Ku Guuleystay Abaalmarinta Ugu Badan Ee Xiddiga Garoonka Ee Xilli Ciyaareedkan

10 jeer – Lionel Messi (Barcelona)

8 jeer – Neymar (PSG), Cristiano Ronaldo (Juventus), Joselu (Alaves), Timo Werner (RB Leipzig), Ciro Immobile (Lazio).

7 jeer – Dimitri Payet (Marsielle), Karim Benzema (Real Madrid).

Advertisements

6 jeer – Jadon Sancho (Borussia Dortmund), Josip Llisic (Atalanta), Angel Di Maria (PSG), Luis Alberto (Lazio), Kevin de Bruyne (Man City), Adama Traore (Wolves), Sadio Mane (Liverpool), Marcus Rashford (Man United), Emiliano Buendia (Norwich City), Nabil Fekir (Real Betis), Denis Bouanga (Saint-Ettiene).

5 jeer – Robert Lewandowski (Bayern Munich)

Comments are closed.

Source: laacibfm

WARARKII