21kii Weeraryahan Ee Ugu Fiicnaa Arsenal Intii Ka Dambaysay Sannadkii 2000 Oo La Shaaciyey – Aubameyang Iyo Henry Oo Isku Muruxsaday

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa galay taariikhda Arsenal Arbacadii, kaddib laba gool oo uu ka dhaliyey Norwich City oo siiyey aqoonsiga ah ‘laacibkii kulamada ugu yara ugu dhaliyey 50 oo Premier League ah’ kooxdaas.

Arsenal oo kaliya kuma ekka, laakiin horyaalka Premier League ayaa looga aqoonsaday Pierre-Emerick Aubameyang inuu yahay ciyaartoyga lixaad ee kulamadii ugu yaraa ku dhaliyey 50 gool.

Laacibkan oo sannadkii 2018 ay Arsenal kala soo wareegay Borussia Dortmund, waxa uu xili ciyaareedkii hore ku guuleystay kabta dahab ah oo uu la qaybsaday Mohamed Salah iyo Sadio Mane, laakiin markan ayuu doonayaa inuu ku garaaco Jamie Vardy.

Qiimayn lagu sameeyey weeraryahannadii ugu wanaagsanaa ee soo maray Arsenal intii ka dambaysay sannadkii 2000, waxa Aubameyang uu ka sare maray halyeygii reer France ee Thierry Henry.

Aubameyang oo 101 kulan u ciyaaray Arsenal waxa uu dhaliyey 63 gool, laakiin Henry ayaa 376 ciyaarood oo uu u dheelay Arsenal ugu dhaliyey 228 gool.

Halkan kaga bogo xogta 21ka weeraryahan ee ugu fiicnaa Arsenal intii ka dambaysay 2000:

Yaya Sanogo – 0.05

Goolasha: 1

Kulamada uu saftay: 20

Park Chu-young – 0.14

Goolasha: 1

Kulamada uu saftay: 7

Carlos Vela – 0.17

Goolasha: 11

Kulamada uu saftay: 62

Jérémie Aliadière – 0.18

Goolasha: 5

Kulamada uu saftay: 28

Francis Jeffers – 0.20

Goolasha: 8

Kulamada uu saftay: 39

Marouane Chamakh – 0.20

Goolasha: 14

Kulamada uu saftay: 67

Nwankwo Kanu – 0.22

Goolasha: 43

Kulamada uu saftay: 197

Eddie Nketiah – 0.23

Goolasha: 7

Kulamada uu saftay: 30

Danny Welbeck – 0.25

Goolasha: 32

Kulamada uu saftay: 126

Nicklas Bendtner – 0.26

Goolasha: 45

Kulamada uu saftay: 171

Sylvain Wiltord – 0.28

Goolasha: 49

Kulamada uu saftay: 175

Dennis Bergkamp – 0.28

Goolasha: 120

Kulamada uu saftay: 423

Eduardo – 0.31

Goolasha: 21

Kulamada uu saftay: 67

Lucas Pérez – 0.33

Goolasha: 7

Kulamada uu saftay: 21

Lukas Podolski – 0.38

Goolasha: 31

Kulamada uu saftay: 82

Alexandre Lacazette – 0.38

Goolasha: 45

Kulamada uu saftay: 119

Olivier Giroud – 0.42

Goolasha: 105

Kulamada uu saftay: 253

Emmanuel Adebayor – 0.44

Goolasha: 62

Kulamada uu saftay: 142

Robin van Persie – 0.47

Goolasha: 132

Kulamada uu saftay: 278

Thierry Henry – 0.61

Goolasha: 228

Kulamada uu saftay: 376

Pierre-Emerick Aubameyang – 0.62

Goolasha: 63

Kulamada uu saftay: 101

App-ka cusub ee laacibfm.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Source: laacibfm

WARARKII