Isku diyaarintii Arsenal ee Community Shield ayaa dhirbaaxo la kulantay sabab la xidhiidha in ay 4 xiddig ku soo laabanayaan tababarka kadib markii ay karantiil galeen.

Kooxda Mikel Arteta ee ku guulaystay FA Cup-ka ayaa la ciyaari doonta kooxda ku guulaystay Premier League ee Liverpool kulanka furitaanka xilli ciyaareedka cusub.

Laakiin tababare Mikel Artetaayaa sheegay in ayna ahayn wakhti fiican oo la ciyaaro marka loo eego in xiddigaha kooxdiisa qaar ka mid ah Karantiil ku jireen.

Goolhayaha Emilano Martinez oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay markii uu buuxiyay booska Bernd Leno oo dhaawacmay ayaa karantiil ku jira kadib markii uu ka soo laabtay Portugal oo uu fasax ku soo qaatay.

Goolhayaha ayaa ciyaari kara kulanka laakiin waxa uu wakhti dambe ku soo laabtay tababarka sidaas darteed waxa uu booskiisa u waayi karaa Leno.

Xiddiga kale ee haatan karantiilka ku jira ayaa ah daafaca cusub ee Gabriel Magalhaes sida uu sheegayo wargayska The Sun.

Wargayska Mail online ayaa sheegaya in ay 2 xiddig oo kale karantiil ku jiraan haatan oo ayna ciyaari karin kulanka Community Sheild-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here