
Inkasta oo wali xilli ciyaareedku si buuxda u dhamaan hadana waxa jira dhaq-dhaqaaq suuqa kala iibsiga ah oo ay samaynayaan kooxaha kala duwan.
Waxa jira kooxo haanba dhamaystiray saxiixyo iyada oo aan wali dhamaan suuqa kala iibsiga isla markaas uuna furmin suuqa xagaaga.
Sidoo kale waxa jira saxiixyo la dhamaystiri karo maalmaha ama saacadaha soo socda marka la eego dadaalada kooxaha.
Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa saxiixyada la dhamaystiri karo maalmaha soo socda.
Jeremie Frimpong -> Liverpool:
Liverpool ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga kooxda Bayer Leverkusen ee Jeremie Frimpong kaas oo ay kala soo wareegayso koxoda reer Germany.
Liverpool ayaa qarka u saran in ay heshiis la gaadho kooxda Bayer Leverkusen si ay u hesho saxiixa xiddiga.
Dean Huijsen -> Real Madrid:
Kooxda Real Madrid ayaa wadahadalo toos ah kula jirta xiddiga Dean Huijsen si ay u dhamaystirto saxiixiisa.
Real Madrid ayaa ogolaatay in ay bixiso lacagta 50 milyan ee lagu bur-burin karo heshiiskiisa waxana ay haatan ku jirtaa tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee heshiiska.