Garabka Paris Saint-Germain, Ousmane Dembele, ayaa hadda ah ciyaaryahanka ugu cadcad inuu ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or ee sanadkan.

Dembele ayaa door muhiim ah u ciyaaray kooxda Ligue 1 ka ciyaarta maadaama ay xilli ciyaareedkan ku guuleysteen 3 koob.

Guushii Sabtidii ay 5-0 kaga badisay Inter Milan ayaa keentay in PSG ay kor u qaado Champions League markii ugu horeysay taariikhda.

Wiilasha Luis Enrique ayaa horay loo xaqiijiyay inay ku guulaysteen horyaalka todobaadyo badan hadda waxayna sidoo kale ku guuleysteen Coupe de France.

Sida laga soo xigtay Odds Checker, Dembele ayaa ku jira liiska ugu sareeya xiddigaha u tartamaya abaalmarinta.

Laacibka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa ka sarreeya labada ciyaaryahan ee Barcelona ee Raphinha iyo Lamine Yamal.

Saaxiibada Dembele ee PSG, Gianluigi Donnarumma, Desire Doue iyo Khvicha Kvaratskhelia ayaa sidoo kale ku jira 10-ka sare.

1. Dembélé

2. Lamine Yamal

3. Raphinha

4. Salah

5. Lautaro Martínez

6. Donnarumma

7. Kvaratskhelia

8. Pedri

9. Mbappé

10. Doué



Source link

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here