Rio Ferdinand ayaa kalsooni ku qaba in kaliya labo kooxood ay ku tartami doonaan ku guuleysiga Premier League xilli ciyaareedka soo socda.

Xilli Ciyaareedkii ugu ee uu hogaamiyay Arne Slot waxa uu ku hogaamiyay ku guulaysiga horyaalka premier League.

Reds ayaa xilli ciyaareedka ku dhamaystay iyaga oo 10 dhibcood ka horeeya Arsenal oo ku jirta kaalinta 2-aad iyada oo Man City ku dhamaystay kaalinta 3-aad.

Liverpool Iyo Man City ayaa si fiican suuqa u galay ilaa haatan suuqa kala iibsiga xagaaga halka ayna Arsenal wali samayn saxiixyo waaweyn oo ah boosaskii ay u baahnayd.

Isaga oo tix raacaya suuqa kala iibsiga Ferdinand, ayaa ku qanacsan in ayna Arsenal u tartami doonin premier League xilli ciyaareedka dambe.

“Tartanku waxa uu u dhexayn doonaa kaliya Liverpool iyo Man City xilli ciyaareedka soo socda,” ayuu yidhi.

“Saxiixyada Arsenal waxa ay u badantahay  nodaan Norgaard oo 31 jir ah, Kepa oo Goolhaye kayd ah Iyo Martin Zubimendi laakiin taageerayaashu waxa y doonayaan weeraryahan Iyo garab weerar”.

 



Source link

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here