Kepa Arrizabalaga ayaa daaha ka qaaday inuu la hadlay Kai Havertz ka hor inta uusan ka tagin Chelsea kuna biirin Arsenal.

Goolhaye Kepa ayaa u dhaqaaqay Arsenal ka dib markii Gunners ay bixisay lacagtii lagu bur-burinayay heshiiskiisa.

Laacibka reer Spain ayaa Emirates Stadium kula midoobi doona Havertz oo uu 57 jeer la soo ciyaaray markii ay labadoodu wada joogeen Chelsea.

Havertz ayaa wacdaro dhigay tan ilaa markii uu ku soo biiray Emirates kepa ayaana la xidhiidhay ka hor inta uuna ku biirin Arsenal

“Waan la hadlay Kai,” ayuu yidhi.

“Wuxuu la joogay Martin [Odegaard] si aan u wada hadalno, si fiican ayaanu u wada sheekaysanay, waxayna durba bilaabeen inay wax yar sharxaan sida ay wax walba u shaqeeyaan iyo sida jawigu u fiican yahay hadda qolka beddelka. Markaa, ma sugi karo inaan ku biiro”.



Source link

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here