
Kooxda Liverpool ayaa wadahadalo la furtay kooxda Eintracht Frankfurt si ay wax uga waydiiso saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara ee Hugo Ekitike.
Liverpool ayaa Hugo Ekitike ka dhigatay bartilmaameedkeeda 2-aad ee dhinaca weerarka suuqa kala iibsiga xagaagan.
Wararka ayaa sheegaya in ay Liverpool bartilmaameedka 1-aad ka dhigatay xiddiga Alexander Isak suuqa xagaagan.
Laakiin hadii ay Liverpool waydo saxiixa Isak waxa ay u dhaqaaqi doonaan xiddiga kooxda Eintracht Frankfurt ee Hugo Ekitike.
Eintracht Frankfurt ayaan wali wax heshiis ah la gaadhin kooxna iyaga oo wadahadalo kula jira Newcastle United.