
Kooxda reer Spain ee Barcelona ayaa isku diyaarinaysa in ay si Rasmi ah ugu dhawaaqdo saxiixa xiddiga reer England ee Marcus Rashford kaas oo ay kala soo wareegeen kooxda Man United inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga ee haatan socda.
Sida laga soo xigtay wargeyska Isbaanishka ee “Mundo Deportivo”, xiddiga reer England ayaa kooxda u qaadan doona Lambarka No.14 iyada oo la sugayo in si Rasmi ah loogu dhawaaqo heshiiska.
Rashford ayaa lambarkan u doortay si uu u xuso taariikhdiisa halyeeyada Barcelona oo isla shaadhka soo xidhay, sida halyeygii reer Holland ee Johan Cruyff iyo Thierry Henry.
Waxaa lagu soo waramayaa in Rashford uu amaah ugu biiri doono Barcelona ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda, iyadoo dookh u ah inuu si joogto ah ugu wareego kooxda xagaaga dambe.