Liverpool ayaa 3-1 ku garaacday kooxda Yokohama FC kulan saaxiibtinimo oo maanta oo Arbaco ah ka dhacay garoonka Nissan Yokohama Stadium.

Yokohama ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta 55-aad waxana u dhaliyay goolka xiddiga Asahi Uenaka, halka Liverpool ay la timid goolka barbaraha waxaana u dhaliyay Florian Wirtz daqiiqadii 62-aad.

Daqiiqadii 67-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Trey Nyoni,halka goolka 3-aad uu u dhaliyay xiddiga Rio Ngomoha daqiiqadii 87-aad ee ciyaarta.

Liverpool ayaa kulan saaxiibtinimo la ciyaari doonta Bilbao Axada soo socota, ka dibna waxa ay wajihi doontaa Crystal Palace Community Shield 10ka Bisha August.



Source link

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here