Wakiilka Viktor Gyökeres ayaa shaaca ka qaaday in Manchester United ay heshiis la gaartay kooxda Sporting oo ku saabsan qiimaha kala iibsiga, taasoo ka sarreysay dalabkii Arsenal ee £63 milyan.

Ka dib toddobaadyo wadahadal ah inta lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaaga, Arsenal ugu dambeyn waxay heshiis la gaartay Sporting oo ku kacaya €63.5 milyan (£54.8m) oo ah lacagta bilowga ah, iyo €10 milyan (£8.6m) oo ah gunnooyin lagu daray.

Gyökeres wuxuu isu muujiyay inuu yahay mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican yurub ka dib markii uu dhaliyay 97 gool 102 kulan oo uu u saftay Sporting labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay.

Manchester United ma aysan guuleysan isku daygoodii ahaa inay dib isugu keenaan Gyökeres iyo Ruben Amorim — kuwaas oo horey uga soo wada shaqeeyay Sporting — halka weeraryahanka reer Sweden uu sidoo kale diiday dalab lacageed oo weyn oo uga yimid Horyaalka Sacuudiga.

Isaga oo ka hadlayay barnaamijka Studio Allsvenskan, Jonathan Chalkias — oo ah kaaliyaha wakiilka Viktor Gyökeres, Hasan Cetinkaya — ayaa sheegay in weeraryahanku uu si dhab ah ugu heelanaa inuu ku biiro Arsenal xagaagan oo dhan.

“Waa lacag aad u fara badan oo ka timid horyaalka Sacuudiga, waxay ahayd in ka badan 400 milyan oo saafiga ah sanadkii,” ayuu yiri Chalkias.

“Man United waxa ay Sporting kala heshiisay qiimaha sababta oo ah United ayaa ogolaatay in ay bixiso lacag ka badan mida Arsenal laakiin xiddiga ayaa doortay Arsenal”.



Source link

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here