
Goolhayaha reer Belgium ee Real Madrid, Thibaut Courtois, ayaa daaha ka qaaday fursadaha kooxdiisa ee kulanks El-Clasico ee ay la ciyaarayaan Barcelona, kaas oo ka tirsan horyaalka La Liga, lana qorsheeyay inuu dhaco Axadda soo socota.
Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu yiri: “Kulankii El Clásico ee xilli ciyaareedkii hore ee garoonkeenna ka dhacay, waxaan haysanay fursad aan ku guuleysan lahayn laakiin si lama filaan ah ayaa nalooga badiyay 4/0 Qeybtii hore waxay noqon kartay mid si kale u dhacda, waa faahfaahinta yaryar ee go’aamisa natiijada ciyaaraha heerkan oo kale ah — gaar ahaan marka laga horjeedo Barcelona.”
Real Madrid ayaa kulanka Soo Galaysa iyaga oo hogaaminaya horyaalka La Liga.















