Kooxda Ac Milan ayaa kor u qaaday dalabka ay heshiiska cusub kaga saxiixanayso xiddiga Rafael Leao si ay xiddiga ugu sii hayso San Siro isla markaas albaabka ka xidhato kooxaha doonaya saxiixa xiddiga.

Sida laga soo xigtay shabakadda Toto Mercato, Milan ayaa haatan diyaar u ah inay kor u qaaddo dalabka lagu cusboonaysiinayo Heshiiska xiddiga reer Portugal.

Milan ayaa diyaar u ah in ay xiddiga garabka ka ciyaara miiska u saaraan lacag dhan 7 milyan oo euro oo mushahar ah sanadkii si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda.

Waxaa laga yaabaa in dalabkan cusub uu ku filnaado in uu xiddigu ku qanco in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Ac Milan isla markaas sii joogo kooxda.

Xiddiga Rafael Leao oo Heshiiskiisa haatan ee Ac Milan dhici doono sanadka 2024 ayaa qirtay in uu jeclaan lahaa in uu ka ciyaaro horyaalka premier League.

Kooxaha Chelsea, Arsenal iyo Man City ayaa dhamaantood xiiso u muujiyay saxiixa xiddiga reer Portugal kaas oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican booskiisa.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here