Kooxda Ac Milan ayaa si weyn ugu kalsoon in ay heshiis cusub ka saxiixan doonto xiddiga garabka uga ciyaara ee Rafael Leao.

Heshiiska Rafael Leao ee Ac Milan ayaa dhici doona xagaaga 2025 waxana si weyn loola xidhiidhinayaa kooxaha chelsea iyo Man City.

Kooxaha premier League ayaa doonaya in ay xiddiga u dhaqaaqaan suuqa January ama xagaaga si ay ugu xoojiyaan kooxdooda.

Laakiin sida laga soo xigtay Di Marzio, Ac Milan ayaa si weyn ugu kalsoon in ay heshiis cusub ka saxiixanayaan xiddiga Rafael Leao.

Ac Milan ayaa wadahadalo kula jirta xiddiga Rafael Leao waxana ay doonayaan in ay sii haystaan xiddiga isla markaas heshiis cusub ka saxiixdaan.

Ac ayaa diyaarinaysa dalab 7 milyan oo uu mushahar ahaan u qaadan doono xiddigu marka uu qalinka ku duugo heshiis cusub.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here