Waxaa jirta rajo wanaagsan oo ay Ac Milan ka qabto saxiixa xiddiga kooxda chelsea ee Hakim Ziyech marka la gaadho suuqa kala iibsiga January.

Sida laga soo xigtay wariyaha lagu kalsoon yahay ee Fabrizio Romano, tababaraha Chelsea Graham Potter ayaa ku adkeysanaya in Hakim Ziyech ay tahay inuu u dulqaato Blues, inkastoo uu wacdaro ka dhigay Koobkii Adduunka taas oo kor u qaaday rajada Ac Milan ee saxiixa xiddiga 29 jirka ah marka la gaadho suuqa January.

Xiddigii hore ee Ajax ayaa ku dhibtoonayay inuu boos ka helo kooxda chelsea qaybtii hore ee xilli ciyaareedka taas oo shaki weyn galisay mustaqbalkiisa fog ee kooxda.

Inkasta oo laga yaabo in dalabkiisa mushaharka aad uga sareeyo midka ay Ac Milan awoodo hadana Ziyech ayaa wali bartilmaameed u ah kooxda Milan marka la gaadho suuqa January.

Tababare Stefano Pioli Ayaa doonaya in uu xiddiga reer Morocco ku xoojiyo kooxda qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan.

Heshiiska xiddiga Ziyech ee chelsea ayaa dhici doona sanadka 2025 laakiin waxa laga yaabaa in uu ka tago kooxda ka hor inta uuna dhamaysan heshiiskiisa hadii uuna boos joogto ah ka helin chelsea.

Ziyech ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay koobkii adduunka isaga oo xulkiisa ka caawiyay in ay gaadho wareega Semi-final-ka koobkii adduunka.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here