Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool Marko Grujic ayaa sheegtay in waayihii Adrian ee Liverpool soo dhamaaday kadib guuldaradii 7-2 ee Liverpool ka soo gaadhay Aston Villa.

Adrian ayaa ku bilowday goolka kulankii Villa Park Axadii kadib markii uu dhaawacmay Goolhaye Alisson.

Laakiin Adrian ayaa sameeyay khaldaad badan kuwaas oo sabab u noqday goolal badan oo laga dhaliyay kooxda Liverpool.

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa diiday inuu Adrian ku eedeyo khaldaadka laakiin Grujic oo Liverpool amaah uga tagay kuna biiray Porto ayaan ka laba-labayn in uu dhaleeceeyo qaab ciyaareedka Goolhayaha.

Isaga oo xiddiga Aston Villa ee 3 gool ka dhaliyay Liverpool ee Watkins ugu jawaabaya Instagram-ka ayaa yidhi”Kulamadii ugu horeeyay waxa la waayay Laakiin si deg-deg ah ayuu ku sameeyay taariikh”.

“Waxana laga yaabaa in uu dhameeyay waayaha Andrian ee Liverpool”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here