Laacibka Juventus  iyo qaranka France ee Adrien Rabiot ayaa la hadlay sida uu noqonayo mustaqbalkiisa marka suuqa kala iibsiga uu furmo bisha dambe

Qadkaas dhexe ayaa xor noqonaya xagaaga , waxa uuna Juve 2019-kii ka tagay PSG waqtigaas oo uu qaab xor ah uga soo tagay
Adrien Rabiot waxaa xagaagi si weyn u baadi goobayay Man United balse ma dhicin taasi .
Haatan 27 sano jirkaas waxa uu shaaca ka qaaday horyaalka uu ka ciyaari doono xilli ciyaareedka dambe waxa uuna haatan door muhiim ah  ku lahaa in France weareegga 8-da koobka aduunka gaaraan

Yaraantiisa muddo yar ayuu joogay Man City balse ma gaarsiisneyn xittaa hal xilli ciyaareed .

Bogga Talk Sport ayuu ka sheegay in uu ka helo jawiga Ingiriiska ” Mar waliba waxaan haminayay in aan ka ciyaaro Ingiriiska

Mar la weydiiyay in ay jirto koox uu niyadda ku hayo ee uu ka helo waxa uu Adrien Rabiot ku jawaabay” maya, guud ahaan horyaalkaas ayaan la dhacsanahay waa mid xamaasad leh”.

 



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here