Akhriso Wada Sheekeysi Dhameystiran Oo Uu Pep Guardiola Ku Qiranayo Inuu Ka Cabsado Seddexda Weeraryahan Ee Liverpool (Daawo Muuqaal)

Sannadkii 2018, Liverpoool waxay gaartay finalka Champions League iyagoo wareega sideed dhamaadka ku garaacay manchester City.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa labadii lug ee wareega 8da waxay 5-1 kaga badiyeen Man City iyadoo Salah, Firmino iyo Mane ay dhaliyeen afar ka mid ah shantaas gool.

Ka hor kulankaas wareega sideeda, tababaraha Man City Pep Guardiola ayaa laga duubay muuqaal uu ku qiranayo inuu ka baqayo seddexda weeraryahan ee Liverpool.

Muuqaalka ayaa qeyb ka ah dukumiintiriga All or Nothing ee ay ka duubtay shirkada Amazon.

Muuqaalka ayaa waxaa wadahadlaya Guardiola iyo caawiyayaashiisa Carles Planchart iyo Domenec Torrent.

Wuxuu wada sheekeysigooda u dhacay sida tan:

Guardiola: “Weeraryahanada Liverpool waa kuwa aad u fiican”

Planchart: “raali ahow maxaad tiri?”

Guardiola: “Seddexdaas afka hore”

Planchart: “Haa pep, laakiin waa iyaga kaliya”

Guardiola: “Waa ay i cabsi geliyaan. Waa kuwa halis ah, waa iga dhab. Waxaan dareemayaa in Salah uu ka ciyaari doono booska gooldhaliyaha. Salah waxa uu ka dheeli doonaa No.9, Firmino waxa uu kori doonaa garabka. Halkaan ayuu imaanayaa Salah isna afka hore ayuu aadayaa. Daafacyadeena garbaha ma dabooli karaan daafacyadooda garbaha.”

Planchart: “Waxaan ogaaday marka aysan heysan boos ay ku dhaqaaqaan inay rafaadaan wax badan, laakiin sida maanta kulankii Crystal Palace. Laakiin waxaan nahay koox riski badan qaadata”

Torrent: “Waxaan daawaday shalay kulankii aan aadnay Anfield ee aan guuldareysanay. Waxay ku ciyaarayeen heer kale. Haddii aad dooneysid inaad garaacdo waa inaad shaqeysato. Haddii aan soo bandhigno qaab ciyaareedkeena ugu fiican, waan ka fiicanahay Liverpool”

Laakiin sidii uu doonayay caawiyaha Guardiola, Torrent ma aysan noqonin iyadoo Liverpool ay badisay labadii lug ee wareega sideed dhamaadka Champions League.

Halkaan ka daawo wada sheekeysiga Guardiola iyo caawiyayaashiisa:

[embedded content]

App-ka cusub ee laacibfm.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Source: laacibfm

WARARKII