AKHRISO: Xaqiiqooyin Caddaynaya In Quique Setien Uu Dhibaato Ku Yahay Mustaqbalka Lionel Messi

Lionel Messi waxa uu xilli ciyaareedkan galay xaalad adag oo ka duwan middii lagu yaqaanay, waxaanay arrintiisu sii murugtay markii uu xilka qabtay tababare Quique Setien.

Xiddiga reer Argentine ayaa gool dhalintii ku adkaatay, waxaana muddadii uu macallinkan reer Spain xilka hayey loo diiwaangeliyey Leo rikoodhkii ugu xumaa ee uu garoomada kusoo bandhigay.

Ciyaartii Sabtidii ay barbarraha 2-2 lasoo galeen Celta Vigo iyo kulamadii kasii horreeyeyba waxa uu Messi raacinayay gool uu ku buuxiyo tirada goolashiisa oo uu kaga dhigo 800, waxaana la arkayay isaga oo ka cadhaysan macallimiinta waqti ay biyo cabbis usoo baxeen.

Garoonka Balaidos kulankii ka dhacay, waxa uu Messi u noqday ciyaartii saddexaad ee xidhiidh ah ee isaga oo aan waxba dhalin uu garoonka kasoo baxo, waxaa se uga sii daran rikoodhka xun ee uu galay intii uu xilka hayay Setien.

16 ciyaarood oo Quique Setien uu tababare ka ahaa Barcelona oo uu ku hoggaamiyey horyaalka LaLiga, waxa uu Messi goolal la’aan ahaa 10 ka mid ah, waana sababta uu xili ciyaareedkan sida weyn hoos ugu dhacay rikoodhkiisa goolashu.

Tababarihii reer Argentine ee Tata Martino ayaa hore u ahaa macallinka uu waqtiga ugu xun la qaatay Lionel Messi, waxaanay ahayd xili ciyaareedkii 2013/14 oo uu dhaliyey 41 gool oo dhamaan tartamada ah, halka uu xili ciyaareedkan ka haysto 26 gool.

Halkan ka akhriso rikoodhka goolasha ee Messi ee tababareyaashii kala duwanaa ee Barcelona:

App-ka cusub ee laacibfm.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Laacib.net

Source: laacibfm

WARARKII