Alan Shearer ayaa ku weeraray tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta sabab la xidhiidha Dhaqankiisa Ixtiraam la’aanta ah ee uu ka sameeyay booska tababaraha intii ay socotay kulankii ka dhacay Emirates.

Maaha markii ugu horaysay ee uu Arteta sameeyo wixii uu sameeyay kulankii Newcastle horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Tababaraha 40 jirka ah ayaa la arkay isaga oo dhawr mar si xun ula hadalaya garsooraha 4-aad si uu saamayn ugu yeesho go’aankiisa kulankii Newcastle.

Shearer ayaana sheegay in uu Ixtiraamo garsoorayaasha iyo waliba kooxda ka soo hor jeeda si fiicana u dhaqmo inta uu joogo qaybta tababaraha inta ay ciyaartu socoto.

“Waxan u malaynayaa in uu Arteta u baahanyahay in uu si fiican u dhaqmo oo uu is dajiyo”ayuu yidhi.

“Waxan u malaynayaa dhaqankiisu in uu shaqada ku adkaynayo garsoorayaasha oo haatanba shaqo adag haya”.

“Waa in uu Ixtiraamo kooxda k soo hor jeeda sidoo kale uuna garsoorayaasha shaqada ku adkayn”.

“Waxa uu samaynayo uma fiicna xiddigaha kooxdiisa waxana ay sabab u noqon kartaa in ay kooxdiisu dhibco lumiso”



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here