Ciyaaryahanka kooxda Liverpool Andy Robertson ayaa galay taariikhda horyaalka premier League kadib markii uu caawiye ka noqday goolka 1-aad ee kulanka Liverpool la ciyaarayso Aston Villa.

Mohamed Salah ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa daqiiqadii 5-aad ee ciyaarta kadib markii uu baas cajiib ah ka helay xiddiga Andy Robertson.

Kadib markii uu caawiyay goolka Salah xiddiga Andy Robertson ayaa dhigay taariikh cajiib ah oo horyaalka premier League ah.

Xiddiga Andy Robertson ayaa caawiyay goolkii 54-aad ee horyaalka premier League tan ilaa markii uu tartanka ka ciyaaray.

Xiddiga ayaa sidaas noqday xiddiga ugu caawinta badan ee daafaca ka ciyaara horyaalka premier League isaga oo rikoodhkaas kali ku noqday haatan.

Robertson ayaa u baahday 231 kulan si uu u dhigo rikoodhka waxana uu dhaafay xiddigii hore ee xulka England ee Leighton Baines.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here