Antonio Rudiger ayaa door muhiim ah ka ciyaaray in Timo Werner uu ku biiro Chelsea horaantii xagaagan daafaca ayaana qirtay in uu rajaynayo in ay caawintiisu mar kale shaqayso iyadoo Kai Havertz uu qarka u saaran yahay inuu u wareego Stamford Bridge.

Chelsea ayaa ilaa haatan samaysay 5 saxiix iyada oo kooxda keentay xiddigaha Timo Werner, Hakim Ziyech, Ben Chilwell, Malang Sarr iyo Thiago Silva.

Blues ayaa haatan qorsheyneysa inay dhameystirto u dhaqaaqista xiddiga Bayer Leverkusen Havertz, kaasoo lagu soo waramayo inuu ogolaaday qandaraas shan sano ah oo uu ugu soo biirayo kooxda Frank Lampard.

Waxa la rumaysanyahay in ay Chelsea bixin doonto lacag dhan 80 milyan ah oo ay 72 milyan hormarin doonto halka ay 18 milyan oo euro guno u bixin doonto.

Havertz ayaa haatan gudanaya waajibaadka xulka qarankiisa taas oo la macno ah ku dhawaaqista heshiisku dib u dhici doonto laakiin xiddiga ay isku xulka yihiin ee Rudiger ayaa u muuqda mid kalsooni ku qaba in uu xiddigu dhawaan u ciyaari doono chelsea.

“Wax walba oo aan qabtay markii ay Timo Werner doonaysay natiijoayaa ka soo baxday”ayuu yidhi.

“Waxa aan mar kale rajaynayaa in ay shaqayso heshiiska Havertz”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here