Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Chelsea ee Moson Mount ayaa lagu soo waramayaa in uu doortay ku biirista Man United halkii uu ku biiri lahaa Arsenal ama Liverpool suuqa xagaaga.
Heshiiska Mount ee Chelsea ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedka dambe waxana ay u badantahay in ay kooxdu iska iibiso xagaagan halkii ay xor ku waayi lahayd xiddiga.
Kooxaha Liverpool iyo Arsenal ayaa si weyn loola xidhiidhinayay saxiixa xiddiga iyaga oo ku tartamayay saxiixiisa si ay ugu xoojiyaan khadka dhexe xilli ciyaareedka dambe.
Laakiin sida laga soo xigtay The Athletic, Man United ayaa haatan hogaanka u qabatay tartanka saxiixa xiddiga khadka dhexe iyada oo xiddigu doonayo in uu ku biiro Old Trafford.
Mount ayaa lagu soo waramayaa in uu iska diiday kooxaha Arsenal iyo Liverpool si uu ugu biiro kooxda Man United ugana hoos shaqeeyo tababare Erik ten Hag.
Kooxda Man United ayaa diyaarinaysa dalab lacageed oo dhan 55 milyan oo euro si ay u helaan saxiixa xiddiga khadka dhexe marka uu furmo suuqa xagaaga.
Related