Xiddiga khadka dhexe ee kooxda West Ham United Declan Rice ayaa lagu soo waramayaa in uu iska diiday kooxda Bayern Munich si uu u sii joogo Premier League xilli uu xiiso ka helayo kooxda Arsenal.
24-sano jirkaan ayaa u muuqda mid ka tagaya kooxda West Ham suua xagaaga iyada oo tababaraha Kooxda ee David Moyes qirtay bilowgii xilli bishan in uu xiddigu raadsan karo tartan cusub.
Xiddiga khadka dhexe ayuu heshiiskiisa West Ham dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedka dambe sidaas darteed West Ham ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga.
Rice ayaa xiiso ka helaya kooxo ay ka mid yihiin Bayern Munich iyo Arsenal iyada oo Thomas Tuchel xitaa la xidhiidhay xiddiga si uu ugu qanciyo ku biirista kooxda reer Germnay.
Si kasta ha ahaatee xiddiga Rice ayaa lagu soo waramaya in uu diyaar u yahay in uu iska diido kooxda Bayern Munich si uu ugu biiro kooxda Arsenal suuqa xagaaga.
Rice ayaa la sheegayaa in uuna doonayn in uu ka tago Premier League waxana uu doonayaa in uu Bayern Munich iska diido si uu ugu biiro koox premier League ah.
Related