Mykhaylo Mudryk ayaa door bidaya in uu ku biiro kooxda Arsenal halkii uu ku biiri lahaa chelsea sida ay sheegayaan wararku.

Labada kooxood ee Premier League ayaa labadooduba wadahadalo kula jira saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara Shakhtar Donetsk bishaan, iyadoo Arsenal ay horey u soo gudbisay labo dalab oo ku aadan xiddiga garabka ka ciyaara.

Dalabkii hore ee Arsenal ayaa ahaa 35 milyan oo euro iyo 17.7 milyan oo guno ah laakiin Shakhtar ayaa isla markiiba soo diiday iyada oo kooxda reer Ukraine doonayso lacag dhan 100 milyan oo euro.

Chelsea ayaan dhinaca kale wali wax dalab ah ka gudbin saxiixa xiddiga laakiin waxa ay wadahadalo kula jiraan kooxda iyada oo agaasimaha Shakhtar xalay daawanayay kulankii chelsea iyo Man City ee ka dhacay Stamford Bridge.

Sida laga soo xigtay The Guardian, Chelsea ayaa weli ku rajo weyn inay la soo wareegto Mudryk ka dib markii ay wadahadallo wanaagsan oo ay la qaateen Shakhtar.

Si kastaba ha ahaatee, wararka ayaa sheegaya in Mudryk uu doonayo in uu ku biiro Arsenal halkii uu ku biiri lahaa chelsea iyada oo 22 jirku doonayo in uu u ciyaaro Mikel Arteta.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here