Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay badashay go’aankii ay doonaysay in ay ku iibiso xiddigaha Alexandre Lacazette, Rob Holding & Emiliano Martinez kuwaas oo haatan sii joogi doona kooxda.

Gunners aya dhexda ugu jirta isku day nadiifin ah si ay u hesho lacag ay ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Atletico Madrid ee Thomas Partey.

Laakiin waxa ay ilaa haatan koox iibsata u laadahay xiddiga Lacazette kaa soo ay ku qiimayso 30 milyan oo euro taas oo keentay in ay Atletico Madrid iyo Juventus-ba isaga hadhaan baacsiga xiddiga.

Sidaas darteed Lacazette ayaa haatan u muuqda mid iska sii joogi doona kooxda si uu ula tartamo xiddigaha Pierre-Emerick Aubameyang & Eddie Nketiah.

Sidoo kale tababare Mikel Arteta ayaa suuqa ka qaaday daafaca Rob Holding kadib markii uu dhaawacmay daafaca David Luiz.

Arsenal ayaa sidoo kale isku diyaarinaysay in ay iibiso Goolhaye Martinez iyaga oo filayay in uu ku biiro Aston Villa.

Goolhayaha ayaa iska diiday heshiis cusub oo ay Arsenal u soo bandhigtay isaga oo doonayay in uu isaga tago kooxda.

Laakiin Arsenal ayaa lacag 20 milyan ah dul dhigtay xiddiga taas oo ah lacag ayna Aston Villa bixin karin.

Mana jirto wadahadalo dhab ah oo kooxda looga doonayo 3-da xiddig taas oo saamayn ku yeelan doonta baacsiga ay Arsenal ugu jirto Partey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here