Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay badashay qorshihii iibka ahaa ee Ainsley Maitland-Niles kadib qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa ee uu soo bandhigay kulankii Community Sheild-ka.

Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa si cad u sheegay in uu doonayo in uu sii haysto xiddiga 23 jirka ah kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay.

Ainsley Maitland-Niles ayay Arsenal suuqa dhigtay xagaagan isaga oo lala xidhiidhinayay kooxda Wolves iyo kooxo kale oo premier League ah laakiin Arsenal ayaa go’aankeeda badashay haatan.

Ainsley Maitland-Niles ayuu 3 sano uga hadhsanyahay heshiiskiisa kamana mid ahan xiddigaha mushhaarka badan ka qaata kooxda laakiin qaab ciyaareedka fiican ee uu soo bandhigay ayaa kooxda ku qanciyay in ay heshiis cusub u soo bandhigto.

Ainsley Maitland-Niles ayaa sidoo kale kadib qaab ciyaareedkiisa fiican markii ugu horaysay looga yeedhay xulka qaranka England.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here